MAXAD KALA SOCOTA HESHIISKA KU SAHABSAN DAKADA SAYLAC EE AY KALA SEXEEXDEEN SOMALILAND IYO ITOOBIYA
Si rasmi ah looma shaacin qodobbada heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ah dhibaato jirta maaddaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay tilmaameen in ay ku heshiiyeen labada dhinac. Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ay hadda doonayaan in loo badello heshiis sharci ah, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato in ay badda ka dhisato dekad ganacsi. Somaliland waxaa kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay. Taa beddelkeeda, Somaliland waxay saami ku yeelan doontaa shirkadda diyaaradda Ethiopian Airline, oo ah shirkad duullimaad oo dowladdu ay leedahay. Laakiin halka arrinta adag ay ka jirto ayaa ah in Itoobiya ay sheegtay in ay Somaliland u aqoonsanayso dal madax-bannaan, tallaabadaas oo aanay jirin waddan kale oo sameeyey 30-kii sannadood ee Somaliland ay tilmaantay in madax bannaanideeda ay Soomaaliya kala soo laa...